What is the Production Possibility Curve (PPC)? - AFSOOMAALI

Waa maxay Qaansada Waxsoo saarka suurto gal ka ah (QWS)?, Maadaama khayraadku uu yahay mid yar dadkuna aysan waxwalba oo khayraadka ku saabsan si siman u wada heli karin, bulshadu waxay wajahdaa wax layiraahdo kala mudnaan siin  (tradeoffs) oo ah in badeecada mida ugu mudan in uu qofku diirada saaro si uu u istimaali lahaa; taas oo salka ku haysa qoondayn la kala qoondaynayo khayraadka si ay baahiyo kala duwan ugu isticmaali lahaayeen.

what is the production possibility curve(PPC)?

sawirku wuxuu muujinayaa si aad wixii aad doonaysay u hesho waa in aad ka tanaasushaa wax kale ( lacag)  oo aad jeceshahay.

Kala doorasho walba oo ku timaada isticmaalka khayraadka waxay ka timaadaa kansho hurid(opportunity cost) taas oo ah sida aan korba ku soo xusnay “Go’aan walba oo dhaqaale wuxuu u baahanyahay si aad fursad uga faa’iidaysatid in aad mid kale ka tanaasushid” taas baa la yiraahdaa kansho hurid. Kala doorashadaas(choices) khayraadkana waxaan ku muujin doonaa qaab (Model) lagu magacaabo dhaqaalaha Qaansada Wax soo saarka suurtagalka ah (Production Possibility curve(PPC)), ama xuduuda Wax soo saarka suurtagalka ah (Production Possibility frontier(PPF)).

Inaga oo ka duulayna oraahdii ahayd go’aan walba oo dhaqaale wuxuu u baahanyahay si aad fursad uga faa’iidaysatid waa in aad mid kale ka tanaasushid maadaama wakhtiga (time) iyo khayraadkuba (resource) uu yahay mid go’an (fixed). Waxaan soo qaadanaynaa aragtida dhaqaale ee layiraahdo kansho hurid(Opportunity cost).

Kansho u Hurid (Opportunity cost):

Kansho huridu waa waxa ay khasabtahay inaad ka tanaasusho si aad u heshid mid kale ama isbadal dhaqaale (opportunity cost is what must be given up in order to start any action or economic exchange).
  • Kansho u huridu (opportunity cost) kuma qiimaynayno oo kaliya lacag ahaan, laakiin badalka lacagta waxaan ka eegaynaa markii aad wax iibsato, fursad huridu(Opportunity cost) waa wixii aad ku samayn lahayd lacagtaa aad ku bixisay badeecadaas hadii aadan go’aansan lahayn tan aad gadatay.
  • Xataa wax iswaydaarsiga aan lacagta ahayn waxaa ku jira Kansho u huridii(Opportunity cost),  si aad meel uga muuqato waa in aad meel kale lumisaa maadaama uuna wakhtiga, khayraadka iyo qofkuba qaybsamin; ma jiro qof laba meelood kawada muuqan kara iskumar.
  • Hadii aan ka eegno dhanka nolosha caadiga ahna qofwalba meesha uu wakhti iyo awood ku bixiyo waxay ka muuqanaysaa isla meeshaas ee ma aha meel kale. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “inta aad nin baranayso nin baad illowdaa’.

3 Tusaale oo ku saabsan kansho Hurida(Opportunity cost).

  • Hadii aad gasho shaleemo, badalkii aad wax baran lahayd; sidaa daraadeen waxaad luminaysaa faa’iidadii wax barashadaas aad ka heli lahayd.
  • Kansho u huridu (Opportunity cost) waa inaad jaamacada xaadirto(waxbarato) badalka shaqada, sidaas daraadeed waxaad ka tanaasushay mushaar(wage) aad heli lahayd hadii aad shaqaysan lahayd.
  •  In aad iskaa ushaqaysatid, waa ka tanaasulida badalka shaqo aad mushaar ka heli lahayd hadii aad cid kale u shaqayn lahayd.

Tusaale yaashaan oo dhan waxay ina tusinayaan in ay dadku kala doortaan laba arimood mida u faa’iidada badan iyaga oo dhaqaaluhu marwalban ku xasuusinayo wixii aad lumisay badalka waxa aad haysato. 

Marka hadii aad kala dooratid labo arimood oo midii aad dooratay ka nacfi hoosayso tii aad ka tanaasushay dhaqaale ahaan waxaan leenahay waxaad ku dhacaday khasaare( economic loss) hadiise mida aad door biday ka wanaagsanaato midii aad ka tanaasushay waxaad helaysaa natiijo faa’iido kuu ah(economic profit).

Qaansada Wax soo saarka suurtagal ka ah (The Production Possibility curve (PPC))


Kala doorbidida (tradeoff) aan wajahno markii ay noqoto  isticmaalka khayraadka yar (scarcity resources)  tusaale hadii aan u soo qaadano wakhtiga(time) waxaynu u adeegsan karnaa qaab (model) fudud oo lagu magacaabo qaansada wax soosaarka suurtagalka ah (the production possibility curve(PPC)). PPC-gan hoos ku qoran wuxuu ina tusinayaa sida Cambaro ay uga faa’iidaysato khayraadka yar ee ay haysato oo ah wakhtigeeda muhiimka ah taas oo ah 9 saacadood maalintii midkood inay xooleheeda dhaqato(HERDING) iyo inay wax barato(STUDYING). taas baan ku faahfaahinaynaa sawirka (graph) hoose:


What is the Production Possibility curve(PPC)- waa maxay Qaansada Wax soo saarka suurtagal ka ah(QWS).)
Sawirka dhinaca jiifa wuxuu utaaganyahay wakhtiga ay ku bixiso cambaro waxbarashada. dhinaca taaganna waa wakhtiga ay ku bixiso xoolo raacashada.

Cambaro waxay wajihi doontaa  laba khayaar(tradeoffs). inay xooleheeda Raacato iyo inay wax Barato wakhtiga yar ee ay haysato. Maxaa yeelay iskuma helayso inay 9 saacadoodna wax barato  9 saacadoodna xooleheeda raacato isku xilli (9+9=18 saac), sabaabta oo ah waxay haysataa wakhti xadidan(fixed time) oo ah 9 saacadood.
  • Kansho Huridu (Opportunity cost) 1 saac oo xoolo dhaqid ah waxay udhigantaa 1 saac oo waxbarasho ah.
  • Markii ay noqoto inay 3 sacadood oo waxbarasho ah iyo 6 saacadood oo waxbarasho ah, waa inay hurtaa ama ka tanaasushaa 3 saacadood oo ay xooleheeda raacan lahayd.
  • Laakiin waxaan suurto gal ahayn inay 9 saacadood ay waxbarato iyo inay 9 saacadood xooleheeda Raacato.

Sidaas daraadeed  waa inay go’aan ku gaartaa CAMBARO sidii ay wakhtigeeda xadidan u maarayn lahayd. Aragtidaan aan kor ku soo xusay ayaa waxaa layiraahdaa kansho hurdi(opportunity cost).

Mahadsanidiin.
 

Comments

Ustaad cilmiga alle hakuu barakeeyo, waa casharo faaiidodo leh.

Popular posts from this blog

WHY RWANDA JOIN EAST AFRICAN COMMUNITY (EAC)? – COMPARATIVE ANALYSIS - Part 2

10 REASONS UGANDA JOINED TO THE EAST AFRICAN COMMUNITY (EAC) - PART 4